Kulankii Guud Ee Dadweynaha & Dhagaysigooda Iyo Qancintoodii
Kulankii Guud Ee Dadweynaha & Dhagaysigooda Iyo Qancintoodii



Kulankii Guud Ee Dadweynaha & Dhagaysigooda Iyo Qancintoodii
+++++++++++++++++++++++++++
Waxaa maanta gelinkii hore abaaro 11:00 AM ilaa 12:00 PM ka qabsoomay hoolka shirarka ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa shirkii wiiglaha ahaa ee toddobaadkiiba mar qabsooma ee Kulanka Dadweynaha, Shirkan lagu qaabilayay dadweynaha / bulshada kala duwan ee Caasimada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda deegaanka ku ah waxaa shir-gudoominayay Duqa Caasimada Jsl ee Hargeysa ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid , waxaa kaloo goob joog ka ahaa Xildhibaano ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka, iyo aniga oo gacan yare uga ahaa Gudoomiyaha qaabilaada, kulanka iyo dhegaysiga dadweynaha.
Duqu wuxuu dadweynihii kulanka kasoo xaadiray qof qof u weydiiyay mid waliba baahida uu u socdo, iyadoo qof waliba sheegtay baahidiisa la xidhiidha lakulanka duqa , Duquna uu dhamaan dadweynihii kulanka kasoo qeyb galay dhamaantood si xilkasnimo ah u dhegeystay, isla markaana ugu dambayn kawada qanciyay arrimaha ay u socdeen oo intooda badan la xidhiidhay hawlaha shaqo iyo adeegyo ee D.hoose u fuliso dadweynaha iyo magaalada Hargeysa, sidaasna dadweynahaasi kuwada qanceen sida uu Mayor ku qadiyad walba oo qof waliba ka hadlay ama ka cawday uu uga qanciyay, isagoo weliba sababo, tusaalooyin,tilmaamo iyo dariiqa sharciga ah ku xoojinayay qancintiisa cida doonaysay in si kabaxsan sharciyada iyo jaranjaranada maamul ay wax ugu dhamaadaan, iyana ku qanceen.


Kulankan Guud Ee Dadweynuhu Waa qorshe Public Relation "Xidhiidhka Bulshada" ahaan hore loo dejiyay kulamada noocan ah oo Mas'uuliyiinta sare ee D.hoose Caasimada Hargeysa hirgeliyeen oo ansixiyeen gaar ahaan Duqu , mihiimada laga leeyahayna tahay in bulshada amase dadweynaha loo shaqaynayo iyo Mas'uuliyiinta Caasimada Hargeysa ay yeeshaan maalin gaara oo si bilaa balan ah uu qof walba oo cabasho ama shaqo ama talabixin usocda uu u helo fursad , dadweynaha iyo mas'uuliyiinta D.hoosena ay xidhiidh adag iyo wadashaqayn mug leh yeeshaan, loona abuuro jawi fiican oo iskaashi, wax-wada qabsi , wadaninimo iyo wada shaqayn ku salaysan.
Allaa Mahad Leh..
F.G : Maalin walba oo isniina ayuu kulankan dadweynuhu qabsoomaa week walba , 10:20 AM ilaa 12:00 PM.

Libaan Cumar 
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Xafiiska Duqa Caasimadda

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed