Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale
Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale ayaa si rasmiya ugala wareegay Xoghayihii hore Mawliid Muxumed Keyse(Mawliid-QARRO), Kadib markii uu dhawaan xilkaasi ka qaaday Wasiirka arrimaha guduhu.

Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa  Md. Cali Xasan Cawaale ayaa si rasmiya ugala wareegay Xoghayihii hore Mawliid Muxumed Keyse(Mawliid-QARRO), Kadib markii uu dhawaan xilkaasi ka qaaday Wasiirka arrimaha guduhu.

Xafladii loo sameeyey xil-wareejinta oo shalay lagu qabtay Huteel Guuleed ayaa a wasiiru-dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye, wasiir ku xigeenka goboladda iyo Dawladaha Hoose Jaamac Biin, Maayarka Caasimadda, Badhasaabka gobolka Maroodi jeex, badhasaabka gobolka Ballugubadle, maayar ku xigeenka caasimadda, xildhibaanadda golaha deegaanka caasimadda, cuqaal iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa afka shaqaalaha dawladda hoose ku hadlay Khadar Yuusuf oo ah agaasimaha arimaha bulshadda dawladda hoose, waxaanu sheegay inuu soo dhoweynayo xoghayaha cusub, halka uu xoghayihii horena ku amaanay shaqaddii wacnayd ee uu qabtay.

Xildhibaan Xasan Shahar iyo Xildhibaan Mubaarak Cabdi Malow oo iyaguna ku hadlayey afka xildhibaanadda golaha deegaanka ayaa dhaliilay bedelka degdeg ah ee xoghayeyaasha dawladdda hoose ee Hargeysa oo noqonaya xoghayihii shanaad oo muddo gaaban la isku bedelay, waxaanay wasaaradda arrimaha gudaha usoo jeediyeen in aan lagu degdegin bedelka xoghayeyaasha.

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cago weyne ayaa isna ka sheekeeyey wax qabadkii dawlada hoose mudaddii ay xilka hayeen,waxaanu sheegay in wadooyin muhiima ah ay sameeyeen, inay soo iibiyeen qalab qaali ah oo wadooyinka lagu sameeyo iyo inay dhiseen warshad u gaar ah dawladda hoose oo wadooyinka qaabilsan.

Badhasaabka gobolka Baligubadle iyo Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Buraale ayaa iyaguna soo dhoweeyey xoghayaha cusub oo uu sheegeen inay la shaqayn doonaan.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka dawladaha hoose ee wasaaradaha Arrimaha gudaha Jaamac Biin ayaa isna sheegay haddii dawladaha hoose wax wanaagsan qabtan inay tahay guul usoo hoyotay wasaarada arrimaha gudaha, haddii ay dhaliil yeeshaana tahay fool xumo usoo hoyotay wasaaradda arrimaha gudaha.

Intaas ka dib xoghayihii hore ee dawladda hoose Mawliid Kayse Muxumed ayaa sheegay in mudaddii gaabanyd ee uu xilka ayey isbedel muuqda sameeyey, waxaanu yidhi “mudadii aan xilka ayey waxaan soo saaray dakhligii lagu shaqaynayey, waxaa ii suurtogashay in aan dhamayno wadadda muhiimka ah ee Madaarka Hargeysa ka timaada ilaa saldhiga dhexe, waxa kale oo aan calaamado iyo dirays u samaynay gaadiidka yaryar ee ka dhex shaqeeya magaaladda, waxa kale oo aanu samaynay waxyaalo badan oo aan halkan ku soo xusi Karin, waxaana intaas ku wada qabanay wada shaqaynta naga dhexeeyey guddida fulinta”.

Sidoo kale, xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa sheegay inuu isku dayo doono inuu wax badan ku soo kordhiyo,isla markaana si fiican ula shaqayn doono guddida fulinta ee dawlada hoose ee Hargeysa.

Xoghayaha cusub Cali Xasan Cawaale oo munaasibad hadal kooban ka hadlay waxa uu yidhi“Kolay hadal badan iima yaallo, xilku waa amaano waana adeeg aad dadweynaha u qabanayso, ilaahayna kugula xisaabtamayo, waxaan idinka codsanayaaa inaad igu soo ducaysaaan inuu ilaahay igu asturo,walaalkey Mawliid Kayse xoghayihii hore waxaan uga mahad naqayaa wixii wanaagsanaa ee uu qabtay mudaddii uu xilkaasi hayey, isbedelkuna waa wax jira waana sunne dawladeed, waan dareemayaa isbedeladda degdeg ah ee xoghayeyaasha ku soo dhacay, waxaan rajaynayaa inay halkaasi ku soo afjaranto, way fiican tahay in qofku marka la magacaabo in jaaani sla siiyo haddii aan jaanis la siin in aanu waxba qaban Karin”ayuu yidhi xoghayaha cusub Cali Xasan Cawaale.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “Shaqaalaah dawladda hoose waxaan ka rajaynayaa inay si fiican ila shaqayn doonaan, shaqo badan ayaa meesha taalal wixii aan ku soo kordhin karo waan ku soo kordhin donaa, xuquuqdoodana waan siin doonaa” waxaaan u mahad celinayaa madaxweynaha oo mudaddii uu wadanka hogaaminayey u ogolaaday dhalinyaro faro badan inay siyaasadda soo galaan oo xilal loo dhiibo, waana madaxweynihii kowaad ee saaxaddda siyaasadda dhalinyarta u ogolaaday inay ku soo biiraan, waxa kale oo aaan u mahad celinayaa wasaaradda arrimaha gudaha oo muddo dheer ka soo shaqaynayey, iyo xildhibaanadda golaha deegaanka ayaan u mahad naqayaa”

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen wax badan qabteen, waxaanu sheegay in waxqabadkaasi ku yimid wada shaqaynta ka dhexeysa guddida fulinta.

Sidoo kale, waxa uu wasaaradda arrimaha gudaha ka codsaday in aan lagu degdegin xil ka qaadiskta iyo bedelka lagu samaynayo xoghayaha, maadaama oo kolba shaqadii socotay xakad ku imanayo.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan sii sagootiyeynaa xoghayihii hore ilaahay bedel khayr qaba ha ku siiyo, intii aad nala soo shaqaysanay waad ku mahadsan tahay, waxaan soo dhoweynaaa xoghayaha cusub oo aan leeyahay shaqo cusub iyo waji cusub ayaaa ku furmay, adna soo dhowoow”.

Maayarka oo sii daba jooga hadal ka soo yeedhay xoghayaha xisbiga kulmiye Xasan Sicid waxa uu yidhi “Xasan Siciid baa halkan ka yara kaftamay oo aan doonayaa inaan ku noqdo, Xasanow maanu daalin teeramkayaga waanu dhamaysanaynaa, ta dambana intii ay Hargeysa ii baahan tahay waan isku sharaxayaa, inaan Hargeysa dhisaana u taaganahay, wixii aanu Hargeysa ka qabanay way muuqataaa, qalabka, warshadda iyo Karashalka iyo gaadiidka, maanta oo u dambaysay waxa dekadda noo taallay oo noo soo degaysay xabad Rugley ah oo naga maqnayd, saaka waxaa noo soo galay toddaba iyo toban koontiinar oo daamur ah, qodobka uu xoghayaha kulmiye Xasan Siciid soo jeediyey ee ah maxa xoghayaha dawladda hoose ka uray in la is waydiiyaa waa muhiim, isbedelku mar walba xakad buu nagu keenaa, laakiin xakadkaasi shaqadaydu kuma istaagayso, xog haye walba wakhtigii looga qoray uun buu meesha joogayaa, xoghayaha cusub ee la soo magacaaba in aanu wada shaqayn fiican la yeelano ayuun baa muhiim ah, anaga xoghayuhu muhiimadda uu noo leeyahay waa mashiinkii shaqadda dhaqaajinayey, golaha deegaanka soo dajiya miisaaniyadda oo sheega waxa loo baahan yahay, miisaanadda marka uu goluhu ansixiyo waxa loo gudbiyaa wasaarada, wasiirkaana saxeexa, dakhligaasi waxa laga rabaa inuu soo saaro xoghayuhu, sadexdii biloodba waraaq baan u qoraa xoghayaha oo aan leeyahay waxaanu qabanaynaa mashruucaas iyo mashruucaasi oo qorshaha sanadkan inoogu jira, taas ayaa la rabaa inuu saddex biloodba soo saaro dakhligii wax lagu qaban lahaa,, wasaaradayda arrimaha gudaha waxaan leeyahay xoghayaha wakhti yara siiya”.

Waxa hadalka soo xidhay Wasiirudawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye, waxaanu yidhi “Xoghayihii hore waxaan leeyahay intii waajibka ahayd waad gudatay, meel fiicana waad tagi doonta insha alla, xoghayaha cusubna waxaan leeyahay hawlo cusub ayaa laga sugayaa inaad xidhiidhi wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladda hoose, inaad dardargaliso oo halkii ka sii qaado, hadalka badankiisa waxa dhameeyey maayar ku xigeenka oo aan abti u ahay, marka xildhibaanadda iyo golaha deegaanku waa inay la shaqeeyaan dawlada hoose, waa in aanu isku xidhnaanaan si aynu u fulino hawshii la inoo igmaday, waa in midnimo iyo wada shaqayn muujinaa.”

 

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed