Dawladda Hoose oo amar ka soo saartay xoolaha ku dhex nool caasimadda iyo 48 Lo’ah oo magaaladda laga raafay
Neefkii ay shaanbadda dawlada hoose ku dhacda ee mar labaad la qabto waa lala wareegaya

Hargeysa, Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa xalllay bilowday olole lagu raafayo lo’da ku dhex nool magaaladda Hargeysa, isla markaana soo saartay amar ah xoolaha la qabto inay la wareegi doonto dawladdu.

Ololahan oo uu hogaaminayey Agaasimaha Arrimaha Bulshadda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yusuf Cali, ayaa sheegay in xoolahan muddo gaaban cidii ku soo doonan wayda ee bixin wayda ganaaxa lagu soo rogay ay dawladdu la wareegayso, isla markaana neefkii mar labaad la qabto loo qali doono dadka xanuunka dhimirku hayo ee ku jira cisbitaalka Hargeysa.

Agaasimaha arrimaha Bulshadda Khadar Yuusuf Cali oo hawlgalkan Lo’da ka ururinayeen magaaladda waxa uu yidhi “waxaanu xallay sagaalkii habenimo ilaa barqaddii maanta wadnay olole magaaladda lagaga saarayo Lo’da magaaladda dhexdeedda lagu soo daayo, waxaana ka soo bilownay Suuqa Gobonimo ilaa suuqa dhexe ee badhtamaha magaaladda ilaa xaafadaha dhexdeedda, hadda waxa xeradan ku jirta 48 neef oo Lo’ah,  runtii lo’daasi waxa ku jira aaran yaryar kuwaas oo caado laga dhigtay inta iyagoo yaryar la iibsado magaaladda dhexdeedda lagu koriyo, hadaba lo’da digniino badan oo hore waanu siinay oo waa la dhagaysan waayey imika waanu ugu celinaynaa waxa xoolaha ku nool magaaladda laga soo saaray xeer iyo sharci ah in xoolaha marka hore la qabto oo la shaanbadeeyo haddii mar labaad la qabtana dawladdu la wareegto, hadaba waxaanu dadka xoolahan leh u sheegayna in la calaamadin doono xoolahan ka dibna muddo toddoba cisho ah cidii ganaaxaasi ku bixin wayda xoolahan lala wareegayo oo lagu wareejin doonno cisbitaalka dhimirka, ganaaxaasi wuxu iskugu jira Doogii iyo biyihii la siinayey intii ay xeradan ku jiraan iyo ganaaxi sharcigu jideeyey, marka waxaan u sheegayaa in mudadasi gaaban kaga faa’aiidaystaan, neefka mar labaad la qabto ee calaamadan leh ganaax labaad lagu bixin maayo ee dawladaa la wareegaysa, waxaanay xoolahan magaaladda ku hayaan bilic xumo iyo caafimaad daro, waxaanay intaas ku dheer inay dhirtii magaaladda lagu beeriyey ay cunayaan oo ay burburinayaan,mana jirto caasimad aan inaga ahayn oo xoolo ku dhex nool yihiin, waxa kale oo Lo’dan ku xigi doono Adhiga”.

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah guddida arrimaha bulshadda golaha deegaanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi“hadda waxaan joognaa goobtii xoolaha lagu ururiyey, mudadaasi gaaban cidii ku iman wayda waxa lagu wareejin doonnaa dadka dhimirka ah oo loo qali doonno, waxaana laga yabaa inuu ilaahay u qoray in nin dhimirka wax ka qabo inuu neefkani calafkiisa noqdo oo uu ku xanaaneeyo,  Barigii hore xeer may lahayn laakiin imka xoolaha magaalada  ee la qabto xeer baa laga soo saaray, waxaana la ansixiyey fadhigiii 4aad ee fayo dhawrka, waxaanay xoolahani noqdeen kuwo sida dadka u nool oo cuntaddii cunaya  waakaasi daaqii loo dhigay aan cuneyn waxay doonaayaan cuntooyinkan dadku cunaan”.

 

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed