Maayarka Hargeysa oo sheegay in afarta jiho ee caasimada lagga sameyn doonno xarumo dab-damis iyo baaq uu shacabka u diray
Dab-damiska Dawladda hoose oo bakhtiyey 101 dab oo ka kacay caasimadda iyo Maayar Solteko oo Dab-damiska caasimada ku bogaadiyey shaqadda adag ee ay hayaan

Hargeysa, Somaliland, December, 6,2014, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa maanta ka dhageystay warbixin waaxda Dab-damiska ee dawladda hoose oo baryihii u dambeeyey shaqooyin adag ka hayey caasimadda.

Maayarka Hargeysa ayaa u mahad naqay dfhalinyaradda dab-damiska ku shaqayso oo uu sheegay inay hawl adag hayaan, isla markaana xusay in kooneyaasha magaaladda laga samayn doono afar xarumood oo laga gurman karo guryaha fog fog ee baalaha ku yaal.

Agaasimaha waaxda Dab-damiska Dawladda Hoose Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa ka warbixiyey mudaddii ay shaqeynayeen wixii u qabsoomay iyo qaabka deg dega ah ee ay u badbaadiyaan guryaha gubanaya, waxaana ka mid ahaa hadaladdiisii “ waxaanu shaqadda si rasmiya u bilownay 17 May, 2014 waxaana ilaa wakhtigaasi bakhtiinay oo aanu u gurmanay 101 dab oo ka kacay guryaha caasimadda ku yaalla, heegan joogta oo ay ku jiraan ciidanka dabdamiska ayaa keentay in wakhtiga ugu badan ee ay ku gaadhaan guri gubanaya ay tahay saddex daqiiqo gudahood, dhalinyartan dab-damiska ka shaqaysa waxay tobabaro ku qaataan xarunta dawladda hoose, waxaanay 24 saacadood ku jiraan heegan buuxda, kuwaas oo habeen iyo maalin is bedbedalaan, mudadii ay kooxdani shaqaynaysay waxa aad u yaraaday dabkii baabi’in jiray guryaha, waxaana dadweynaha kala kulanay soo dhoweyn iyoinay si wanaagsan noola shaqeeyaan, sidoo kale, waxaanu u mahad celinaynaa maayarka Caasimadda oo si wanaagsan noola shaqeeya, isla markana wax kasta oo aanu u baahano sida ugu dhakhsiyaha badan noogu dhameeya, wada shaqayntaasina waa keentay in maanta dadku ku hurdaan kuna seexdaan Dab-damisyada dawladda hoose oo ka kooban sideed gaadhi oo cusub iyo laba gaadhi”.

 Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa u mahad celiyey waaxda Dab-damiska iyo shaqooyinka adag  haya iyo dhalinyaradda u dulqaadatay shaqadan adag, isagoo dadweynaha ku booriyey inay la shaqeeyaan dab-damiska oo marka ay gurmanayaan wadooyinka usii baneeyaan.

Ugu horeyn isagoo maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “mashruucan waxa mahad aad ah u jeedinaya Col Axmed Sawaxili oo arrintan dad badan kala hadlay, maalintii ugu horeysay ee aanu Axmed kulanay waxaanu ka wada hadalnay sidii Dabka wax looga qaban lahaa, firkadaasi fiicana waanu la qaadanay, markii firkaddi qaadanay ee qiimihiina ogaanay waxa dawladda hoose ka bixi karaana kooban yahay, waxaana  arintaasi qaybta ugu weyn ka qaatay oo la’aantii socdeen mashruucani waa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, sdii kale waxa u mahad naqayaa wasiirka Maaliaydda oo miisaaniyadda ku daray iyo wasiirka Arrimaha gudaha isna hawshaasi wax badan nagala qabtay”

Maayarku isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “hawshana saddax weji ayaanu u qaybinay, wejiga koowaad wuuxu ahaa in gaadiid la soo iibiyo sideed baabuu iyo  labaddii joogay oo aanu kicinno, in xarun loo dhiso dab-damisku yeesho, talabaad oo ah in afar xarumood laga dhiso kooneyaasha magaaladda, waxaanu qiimeynay kharashka ku baxaya oo noqonaya lix boqol oo kun oo dollar, laba boqol dawladda dhexe bixinaysay, boqolna dawladda Hoose, labaatan kunna waxa bixiyey Suuqa Waaheen, anaga ugu talogalnay in dadweynahuna ka qaybqaadan doonaan, haseyeeshee waxa iyadan ilaa hadda ka qaybqaadan suuqa Gobinimo taas oo illaa hadda laga sugayo, kharashka kale ku baxaya marka gunadda lagu daro noqonayo shan boqol iyo shan iyo toddobaadan kun oo dollar oo aan noogu jirin miisaaniyadda dawladda hoose waxaanu go’aansanay in aanu ugu darno, run ahaantiii waxa laga yaabaa in marka sanadkan lagu daro  gunadiinaa”

Maayarku waxa uu kahadlay qorshaha sanadka soo socda ugu jira dab-damiska waxa uu yidhi “Sanadka soo socda waxa ku dari doonaan dab-damisyadda afar gaadhi oo kale, waxa kale oo afar xarumood ka sameyn doonaa afarta koone ee magaaladda si meel walba uga gaadhi karno haddii uu dab yimaado, waxaan u mahad naqayaa dhalinyaradaasi dab-damiska  ka shaqeynaya, waxaan shacabka leeyahay laba arimood inay ka qaybqaataan, hawlwadeenadda marka ay hawsha kugudda jiraan gaadhiga dabdamiska ama ambalas waa inuu qofku dareemo in la badbaadinayo qof isaga oo kale ah noloshiisa marka waa inay wadooyinka u baneeyaan looguna fududeeyo sidii ay hawsha u qabsan lahaayeen, qodobka labaad mashruuca qaybtiisa labaad  oo ah afar xarumood oo la dhisi doonno iyo afar gaadiid cusub oo la soo iibin doono marka waa inay ka qaybqaataan soo iibintiisa iyo hawlaha kale looga baahan yahay, waxaanu mar labaad umahad naqaynaa madaxweynaha iyo wasiirka Maaliyadda oo miisaaniyadda noogu daray laba boqol oo kun oo lagu soo iibin doono gaadiidka iman doonna”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Daahir, Suldaan Axmed Daahir, Axmed Sawaaxili iyo xubno kale oo uu ka mid yahay muwaadin qurbojoog ah oo isna qalab ugu deeqay Dab-damiska .

Tan iyo intii la dhisay waaxda Dab-damiska Dawladda Hoose ee Hargeysa waxa yaraaday khasaarihii dabka, kuwaas oo si degdeg ah u gaadha goobta laga soo sheego inuu dab ka kaco, waxaanay ku jiraan heegan joogta ah kuwaas oo shaqaaluhu isku badbaadalayaan habeen iyo maalin.

 

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed