Maayarka Caasimadda Oo Dhagax Dhigay Waddo Isku Xidhi Doonta Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe
-Maayarka oo digniin usoo jeediyey dadka aan cashuurta bixin iyo dadka qashinka goobihii loogu tallogalay dhigin.

Hargeysa, Somaliland, January 21,2015 (-Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa maanta dhagax dhigay waddo cusub oo isku xidhi doonta degmooyinka Axmed Dhagax Iyo Maxamuud Haybe, isla markaana dhexmari doonta Dooxa magaaladda oo bariish isku xidha xaafadahaasi loo dhisi doonno.

Waddadadan oo ka bilaabmi doonta dhinaca koonfureed ee beerta xoriyada  Caasimada Hargeysa ayaa ka gudbi doonta dooxa weyn ee magaalada Hargeysa halkaas oo la dhigi doono biriish ayaa qayb ka qaadan doonta sidii ay iskugu xidhi lahaayeen degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe.

Maayarka caasimada Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ka hadlay dhagax dhiga  waddadan ayaa waxa uu sheegay inay  waddadan ugu tallo galeen sidii ay wadooyinka dhexe ee magaalada Hargeysa uga yarayn lahayd xidhiidhiga iyo saxmadda, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii“Waxa aanu maanta dhagax dhigayaa waddo taas oo  ka timaada Maxkamada soona marta Beerta xoriyada, kana talawda Cawaale Jidhoon iyo Laynka Milatariga ka dibna marta dugsiga Mujaahid Quule Aadan Dool, kana talawda degmada Axmed Dhagax oo dhan ka dibna sii maraysa degmada  Maxamuud Haybe ilaa Maxamed Mooge, runtiina magaalada  waxa ku yaraa waddooyinka u kala baxa Bari iyo galbeed, si  saxmada looga yareeyo waddooyinka dhexe ee magaalada ayaa wadooyinkan loo samaynayaa, siyaasada uu hogaamiyaha ka yahay madaxweynaha Somaliland ee dhinaca waddooyinka ayaa miisaaniyada sanadkan ee dawlada hoose ku salaysan tahay in wadooyinka la horu mariyo, taas oo noqonaysa inay dawlada hoose waddooyin cusub dhisto qalabkiina soo iibsato, taas oo keenaysa  in waddooyin badan laga dhiso caasimada Hargeysa.”

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco waxa uu shacabka degmada Axmed Dhagax ugu  baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay waddadaasi u socon lahayd,isla markaana dadka dhisaya ula shaqayn lahaayeen maadaama oo wax lacag ah ku darsanayn balse loo baahan yahay goobaha wadaddu marayso loo sii baneeyo, waxaanu yidhi “Waxaan Leeyahay shacabka ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee waddadani ka bilaabmayso sida ay wadadani u dhan tahay wax lacag ah oo laydinka waydiinayaa ma jirto, qaadhaana ku darsada laydinma laha laakiin waa inaad ka qayb qaadataan halkii ay mari lahayd  guryaha ka dhisana sidii loo dumin lahaa guddiduna ay is garab istaagto dawlada hoose , qof aqal  waddo ka dhistayna cidna looga garaabi maayo  meeshii uu doono ha ka soo jeedo mansabkii uu doono ha hayo, qofka waddo aqal ka dhistay aqalkaas waa la duminayaa, waddadaasina ilaa marka ay marayso degmada Maxamuud Haybe aqal kasta oo ka hor yimaada waa la duminayaa dadkana waxaan leeyahay ha garab istaagaan dawlada hoose.”

Sidoo kale maayarka Caasimada Hargeysa waxa uu ka hadlay horu marka dhinaca waddooyinka ee ay ka hir galiyeen degmada Axmed Dhagax waxaanu yidhi “Wadooyinkii kale ee ay ka qayb galayeena sidii ay sanadadii hore uga qayb galeen imikana hawga qayb galaan, sanadkii 2013 xaafadaha waxa ugu horaysay oo xaga wadooyinka ugu wax qabad badnayd degmada Axmed Dhagax, 3.5km  masalaha ah ayaa laga hir geliyey, sanadba dhinac ayaa culayska la saaraa, sanadkana waxa weeyaan Maxamuud Haybe-Axmed Dhagax iyo Gacan Libaax oo la dhamaystiri doono wadadii hore ee martay June iyo Gacan Libaax iyo waddadan aynu maanta dhagax dhigayn oo ah mashruuca ugu balaadhan ee dawlada hoose fulinayso sanadkan.”

Ugu dambeyntii maayarka caasimada Hargeysa waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay bixiyaan cashuurta si loo dhiso waddooyin badan isaga oo tilmaamay in maxkamad la gayn doono qofkii lagu yeesho cashuurta sanadkii tagay iyo qofka la arko isaga oo shaaricyada qashin ku qubanay waxaanu mar kale yidhi “Waxaan leeyahay dadweynaha ka qayb gala oo cashuurta bixiya, haddii aan cashuur la bixina waddo la samayn kari maayo, waa inay dadweynuhu cashuurta bixiyaan, waxaanan dadweyaha u sheegaynaa in xeerarkii lagu qabanayey qofka aan cashuurta bixin in bisha February  marka ay dhaafto qofka lagu leeyahay cashuurtii sanadkii 2014 maxkamad ayaanu gayn doonaa, waxa kale oo aan dadweynaha leeyahay waa inay qashinka iska hagaajiyaan gole deegaan oo la doortay  iyo dawlada oo dhan hadii ay isku tagaan wax ay ka qaban karaan xashiishka ma jiro haddii aanay dadweynuhu wax la qaban, qofkuna haddii uu fududaysto oo meelahaas ku tuuro qashinka 1000-kii shilin ee uu gaadhiga siinayey la bakhaylo  magaaladii isagaa qudhmiyey waxaanay noqonaysaa in xeerkii loo gudbiyey maxkamadaha iyo Police-ka  qof kasta oo qashin meel ku tuuraya oo la qabtaana  maxkamad la gayn doono.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

 Sidoo kale waxa dhagax dhiga waddadan ka hadlay Xildhibaan Cabdilaahi Siciid  Faarax, xildhibaan Cabdi Cali Yuusuf  iyo qaar ka mid ah dadweynaha kuwaas oo soo dhaweeyey waddadan cusub ee maayarka dhagax dhigay, kuwaas oo maayarka u ballanqaaday inay la shaqayn doonaan.

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Daahir oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeisa isla mar haantaasina ka mid ah gudigii dayactirka xabaalaha xaafada Sh. Cumar ee magaalada Hargeisa Isla mar ahaantaasina ah xoghaya gudiga dhulka ee golaha deegaanka ee magaalada Hargeisa oo qaar ka tirsan warbhintu ay wax ka waydiiyeen hakad galay habsami usocodkii hawlaha dayactirka xabaalaha iyo dhibtaatooyinka ay ka kala kulmaan arimaha dhulka ee caasimada maadaama oo ay yihiin gudigii dhulka waxa uu si faah faahsan uga jawaabay su,aalahan warbaahinta qaar ay wax ka waydiiyeen .

sidoo kalena waxa uu raaciyey arinta wax ka bedelka wado marista magaalada Hargesa oo uu tilmamay in uu wasiirka arimaha guduhu ku deg degay waxaana uu yidhi “ ka mid baan ahaa Gudigii ka shaynayey xabaalaha boqol jire Arintooda  runtiina markii horena anigaa si gaar ah iskaga xilsaaray oo uga shaqaynaayey waxa dhacay in muddo ah waxa xanuunsaday alle ha caafiyee sheikh gudoomiyaha u ahaa gudiga (Aadan siiro )  markaa hakad baa ku yimi arintii sh Aadan siiro alle hasoo caafiyo isaganee  waxana arintaa hakinteeda keenay Sheikh xanuunkiisa “

Sidoo kale waxa uu xidhibanku iftiimiyey in lacag dawlada hoose ee Hargaisa ugu balan qaaday inay ku darayso dayactirka xabaalaha magaalada Hargeisa oo tiradoodu dhamayd  $60,000 (Lixdan Kun Oo Dollar) ay ku baxeen mashruucii diwaangalinta sidaasi daraadeena ayarintani ka mid tahay waxyaabaha is hortaagay habsami usocodka hawsha “ sida aad la socoto lacagtii cashuurtii ay dawlada   dhexe noo qaadi jirtay ee aanu ku fulin jirnay horumarinta iyo hawlaha mashaariicda in  loo isticmaalay diiwaangalin  markaa wixii wax qabad la odhan jiray dhamaantiisba laga saaray meesha oo lacagtii aanu wax ku qaban jirnay lagu daray diwaan galinta  markaa $60,000 (Lixdan Kun Oo Dollar) Waxa uu ka mid ahaa lacagtaas ayuu ku jiray markaa  may suuro galin oo may noqon in la dhigo lacagtaas oo waatii lagu galay diiwaangalinta”

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed