Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa oo olole banayn jidadka ah ka bilowday badhtamaha magaaladda iyo xaafadaha dhexdooddaba
maayarka oo ballanqaaday inuu jidadkii magaaladda ee xidhmay banayn doono iyo digniin u u diray shacabka caadaystay inay jidadka xidhaan

Hargeysa, Somaliland, Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa ka qaybgallay olole balaadhan oo dawladda hoose ee Hargeysa ka bilowday badhatamaha magaladda Hargeysa, taasi oo lagu banaynayey waddooyinkii xidhnaa ee cidhiidhiga galin jirtay caasimadda.

Maayarka ayaa uga digay dadweynaha inay caadaysteen in dadku wax ku iibiyaan wadooyinka dhexdiisa iyo meherada hortooda, kaasi uu sheegay inay joogto noqon doono ololaha jidad banaynta caasimadda oo aan cidna laga ogolayn in wadooyinka hareerahoodda alaabooyin lagu dhex iibiyo.

“wadada madaarka laga soo bilaabo, wadooyinka badhtamaha dhex mara kuwo u baxa Jigjiga yar iyo New hargeys intaba waanu ka shaqaynay maalin kasta, qofkii loogu taag waayey meheradaada ku ganacso u diyaar garow inaanu alaabta maalin walba qaadno oo wadooyinka ka dhex gurno”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Solteko oo ka hadlayey banaynta jidadka ee badhtamha magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “ waa in qof kasta meherad ku dhex ganacsado, kuwo sariibadaha loo sameeyey sariibadda dhexdoodda waa inay ku ganacsadaan oo aanay dibadda ula soo bixin”.

Ololahan waxa ka qaybqaadanayey shaqaaalaha dawladda hoose iyo madaxda sarsare ee dawladda hoose, kuwaas oo sheegay in maalin kasta uu socon doonno jidad banaynta caasimadda iyo kor u qaadadida bilicda, taas oo ay sheegeen in lagu nadiifinayo suuqa iyo jidadkii ay xidheen dad ku ganacsanayey  jidadkaasi oo alaabtoodda lagu amray inay gurtaan.

Sidoo kale, Maayarku wuxuu lug ku soo dhex maray suuqa weyn ee waaaheen, khudradleyda, hlibleyda iyo Sariibadda suuqa dhexe ku taalla, kaasi oo uu bulshaddii halkaasi ka ganacsanayey ka dhagaystay warbixno iyo baahiyaha ay rabaan, isagoo uballanqaaday inuu wax ka qabannayo dhamaan wiixi ay soo codsadeen.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Solteko wuxuu xadhiga ka jaray sariibad laga hirgaliyey xaafadda Star ee degmadda Maxamuud Haybe oo loo sameyey qaab casri ah, isla markaana laga heli karo wax kasta oo bulshaddu u baahan tahay.

Maayarka ayaa sheegay in degmo kasta gaarkeedda loo suuqeyn doono, isagoo dadweynaha ugu baaqay in degmo kasta sariibadeedda macmiil u noqoto ee aanay tagin sariibadaha ka fog fog ee suuqa dhexe, maadaama oo la qorsheeyey in dgemo kasta isa suuqayso oo dadkii wixii suuqa dhexe uga baahnaa loo geeyo xaafadahoogga.

Si kataba ha ahaatee, dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wadda qorshayaal lagu daadajinayo maamulka, isla markaana degmooyinka iyo badhtamaha magaalada loo samaynayo jidad waaweyn  iyo goobo laga tukaansaddo.

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed