Maayarka Caasimadda digniinno hor leh u diray dadka qashinka ku daadiya marin biyoodka, Nootaayooyinka iyo dadka aan cashuurihii bixin
Maayarka Hargeysa oo xadhiga ka jaray waddo laga hirgaliyey degmada Axmed dhagax iyo Masalaha

Hargeysa, Somaliland, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay soo saaray amaro uu kaga hadlayo nadaafada caasimadda, Nootaayooyinka, dadka cashuuraha lagu leeyahay, gaadiidka qaada dhuxusha iyo Gaadiidka yaryar ee Vitus- ka loo yaqaan oo laga mamnuucay inay habeenkii magaaladda ka baxaan.

Sidoo kale, waxa uu maayarku xadhiga ka jaray waddo dawladda hoose ka hirgalisay xaafada masalaha iyo degmadda Axmed dhagax oo ku xidhmi doonta wadadda dheer ee Balligubadle u baxda.

Ugu horeyn Maayarka caasimadda Hargeysa Soltelko ayaa sheegay in xilli roobaadka loo baahan yahay in nadaafadda la ilaaliyo, isla markaana biyo mareenadda laga ilaaliyo wax qashin ah in lagu shubo iyo qofkii ku shuba oo ganaax la saari doono, sidoo kale, waxa uu ka hadlay qodobo muhiim ah oo saamaynaya qaybaha kala duwan ee caasimadda, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Shacabka waxaan ogaysiinayaa inagoo galnay xilli roobaadkii waa in qashinka laga ilaaliyaa meelaha biyo mareenadda si aanu caafimaadka bulshadda u waxyeelin, iyadoo shirkadaha qashinka iyo shaqaalaha dawlada hoose ku hawlan yihiin qashinadii dadku hore u dhigeen, maanta wixii ka dambeeya waxa la ganaaxi doonna qofkii lagu qabto isagoo qashinka meel aan loogu talogalin ku shubaya.Qodobka labaad, xabaalaha boqol jire oo aanu daweynaha qaarkood hore ugu balanay oo dad ballanqaadeen marka intii balanqaaday iyo intii hor ilaahay uga qaybqaadanaysa badbaadinta xabaalaha boqol jiray  oo roobabku waxyeeleeyeen, isla markaana  loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana dadweynuhu uga qaybqaadan lahaayeen sidii xabaalahaasi loo badbaadin lahaa, cidii doonaysa inay ka qaybqaado oo ilaahay dartii u bixinaysa waxa loo sameeyey akoon lagu shubi ee waa in akoonkaasi oo guddi masuul ka tahay loogu soo shubaa, si looga gaadhsiiyo roobabka di’I doonnaa waa in si dhakhso ah looga soo qaybqaato badbaadinta xabaalahaasi.

Qodobka 3aad, deegaanka iyo nadaafada magaaladdaba loo ilaaliyo waxaan digniin u dirayaa in aan la aqballi doonin in uu magaaladda soo gallo gaadhi dhuxul sida oo aan jawaano ku jirin, kaantaroolka waxan leeyahay ma soo dayn kartaan gaadhi dhuxul sida oo jawaano ku jiraan, booliskana waxaan ka codsanayna inay qabtaan, oo aanay kantooladda soo dhaafin, qodobka afraad gaadiidka yaryar ee Vitis ah wixii aan cashuurta bixin waa la qabayaa waa inay cashuurta iska bixiyaan, marka ay gaadho lixda makhribnama kama bixi karaan magaaladda dhexdeeda afarta kaantarool ee magaaladda si loo ilaaliyo dhaqanka suuban iyo amniga magaaladda, waxaan leeyahay gaadhi yar oo Vitis ah oo magaaladda ka bixi kara ma jirto si loo badbaadiyo dhaqankeena iyo amniga magaaladeena, qodobka shanaad,cashuuraha waxaan leeyahay si wax loo qabto waa inaad bixisaan cashuurta aqaladda iyo dhulka banaan iyo beeraha la qorsheeyey ee kabaxay beernimaddii, si sharciyeynta dhulkaasi iska bixiyo waxa laga doonaya in sanad kasta iska bixiyo cashuurtii ku waajibtay, balooga uu iibiyey waa inuu keenna dawladda hoose si looga qaado cashuurta ku waajibtay, nootayayaasha waxaan faraya waxay kala iibiso nuqul ka mid ah buuga ay wasaarada cadaaladu u keentay waa inay u keenta degmadda ay ka tirsan tahay, lagama garniqi karo jawan aan lagu iibsan jawanka sharciga ah ee wasaaradda cadaaladdu ay u dhiibtay nootaayooyinka, lagamana aqballi karo nootaayadda dambe ee iyado samaynaysa laba kala iib, waraaqo ay sameeyeen iyo mid ah ta loogu taloglay in cashuurta lagu bixiyey, maxkamaduhu waxay ka garnaqi kartaa oo kaliya ta ku taalla buugga wasaarada cadaaladu u qaybisay nootayaasha, haddii ay awal hore guri la kala siistay boqol kun si cashuuurta u duudsiiso ku qori jirtay labaatan kun, waxaan ku leeyahay haddii aan waraaqda sharciga ah lagu qorin way ka luntay mana aqoonsan doono waraaq aan ahayn taa ay wasaarada cadaaladdu u qaybisay nootayadda, Nootayadda loogu yimaado iyadoo ugu qoraysa waraaqaha aan sharciga ahayn waxaanu la tiigsan doonna talaaabo sharciga waafaqsan.

Waxaan maanta  u gudbinay dadkii ku qaatay dhulka warshadaha oo aan waxba ku qaban, dhulkaasi oo ay dawladda hoose ku soo noqdo mulkiyadeedda si qofkii warshaddo keenaya loo siiyo, haddii kale lahaanshaha hanti umada ka dhexeysa, oo umada looga faa’iideeyo, dadka lagu leeyahay cashuuraha laba sanno iyo wixii ka badan marka la gaadho bisha lixaad waxa la saari doonnaa boqolkiiba konton ganaax ah, shan sanno wixi ka badana waa boqolkiiba boqol ganaaxu. Ka faa’iidaysta oo bixi cashuurta si wadankaaga wax loogu qabto cashuurta marka ay gaadho bisha junne wixii ka dambeeya waxa laga qaadaya cashuurtii iyo waliba ganaax la socda.”.

Dhinaca kale, maayarka Caasimadda ayaa maanta xadhiga ka jaray jid cusub oo isku xidhi doonaa xaafaddaaha Masalaha iyo degmadda Axmed Dhagax.

Munaasibadan waxa ka hadlay suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, xildhibaan Axmed Nacnac, xogyaha dawladda hoose iyo xildhibaano kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaanu yidhi “Run ahaantii wadadani waa 1km hore iyo 1Km iyo 300m oo imika ah, runtii miisaaniyada waxa noogu jirtay in degmo walba laga sameeyo 1km, balse saaka markaanu wada hadalnay ee caratuulkuu yaalo waynu qaybsanaynaa oo daamurka hadaad keentaan anaguna Jayga iyo gacantii anagaa dhamaynayna. Runtii horumarka cid kasta oo u diyaar ah waxbaanu la qabaynaa, waayo doorkan waxaanu u yarnaynay wadooyina xaafadaha laga yaranaynayo in aanu wadooyinka waaweyn gacanta saarno sidii aanu wadada dhexe u samaynay in aanu samayno ta Airportkana aanu samayno. Baabuurta u badan ee kuwa xamuulkana leh waxa aad ogtihiin inay maraan Hargeysa dhexdeeda, lixda gobol inta joogtaana gaadhi aan Hargeysa soo galin ma jiro, gaadhi walibana wuu yimaadaa intaas oo culays ahina waxa uu ku dhacayaa wadooyinka Hargeysa. Waxaana loo baahan yahay in la kabo oo laga shaqeeyo, anagu Golaha Deegaanka ahaan lacag lamaanaan iman ee waxa aanu la nimid caqligayaga in aanu ku shaqayno, dadweynuhuna cashuurta ay nagu kabana. Cashuurta oo yar iyo horumarka badan ee ina sugaya. Waxaas oo sees ah cashuur lagama bixin. Waxaan balanqaadayaa in dadka aan laba bilood cashuurta ku bixin ee seesaska iska seesan aanu dumin doono”

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah dhalinyarada Degmada Axmed Dhagax oo ku hadlayey afka dhalinyarada sida weyn uga qayb qaadatay Wadadaasi, waxaanu yidhi “Markii ugu horaysay anagaa dhexdayada ka tashanay anaga oo koox dhalinyaro ah, dabeeto Waxaanu la tashanay xildhibaanada golaha deegaanka intaanu ka garanaynay, waxaana noo muuqatay in aanu wadadaasi soo dhaqaajino oo wadada Baligubadle halka laga bilaabay ay wadadaasi gaadhi karto, Alxamdulilaah hada waxa inoo dhamaaday 1Km iyo 300m, lacagtaa dhalinyarada ayaa soo ururisay markii aanu ilaa 40% ayaa waxa aanu la tashanay xildhibaan Nacnac oo intaa libin laabkeeda ku daray, oo aanu ku amaanayno geesinimada iyo raganimadu uu nala barbar istaagay. Waxa isaguna sharaf iyo qadarin mudan Maayar Cabdiraxmaan Soltelco oo nin dhalinyaro ah oo markii aanu fikirkaa usoo bandhigay ku dhakhsaday inuu hawshii fuliyo, waananu ugu mahadnaqaynaa, xildhibaanada golaha deegaanka ee aanu la xidhiidhnayna waanu u mahadnaqaynaa.”

Xildhibaan Axmed Nac nac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Maayarku wuu nala shaqeeyey oo 60% ayey dawladda hoose bixisay, halka anaguna boqolkiiba afartan bixinay, maayarka markii aan ku idhi intaa noogu dar diyaar ayaan ahay ayuu yidhi, Maayarku hiil iyo hooba wuu nala garab istaagay, iyadoo cad iyo iyadoo daamur ahba wuu nala garab istaagay, marka aanu nidhaahno maayar waxaasaa naga dhiman hooya ayuu na yidhi. Maayarku waa nin dhalinyaro ah oo Illaahay ka sugaya wax wanaagsan, horumarka xaafadaha caasimada ayuu u taagan yahay oo uu u heelan yahay, markaa waxaanu leenahay Maayar waad Mahadsan tahay. Deegaanka waxa aan leeyahay waaryaadhaheen waxa aynu samaysanay guddi la yidhaa horumarin, waatii aynu Baligubadle iskugu nimid ee aad na tidhaahdeen kaalaya oo nala shaqeeya, waxaan iyagana leeyahay walaal aynu wada shaqayno, wax wada qabsi ayay wax ku hagaagaan oo aynu meel ku gaadhi karnaa. Maayar Cabdiraxmaan Soltelcona waanu u ducaynaynaa oo waxaanu leenahay illaahay khayr ha ku siiyo, waanu ku barbar taaganahay oo waanu kula shaqaynaynaa”.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Ibraahim Xasan Raabi, waxaanu yidhi “Wadooyinku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ama waa tiirarka Horumarka waxa la yidhaahdo, magaalo kama horayso wado, horumarka ay shacabku sameeyaan iyo kuwa ay dawladu samayso waxa dheereeya ama speed dheereeya ku socda ka shacabku sameeyo, hadii labada la isku geeyo dawladana horumarkeeda way dardargaliyaan shacabkuna way ku amaanan yihiin. Waxaan mahad u jeedinayaa cid kasta oo wadadan dhismaheeda ka qayb qaatay oo ay ka mid yihiin xildhibaankan aan daalin ee xildhibaan Nacnac iyo dhalinyaradan. Anigu xoghayaha hadaan ahay waxaan idiin balan qaadayaa in aan idinla tashan doono oo aanu horumarka idinkala shaqayn doono”.

 

 

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed