Maamulka dawladda hoose oo kulan la yeeshay iskaashatooyinkii caasimadda iyo Geerash loo samayn doono dawladda hoose oo la dhagax dhigay
Maamulka dawladda hoose oo kulan la yeeshay iskaashatooyinkii caasimadda iyo Geerash loo samayn doono dawladda hoose oo la dhagax dhigay Hargeysa, Somaliland, Maamulka dawladda hoose oo kulan la yeeshay iskaashatooyinkii caasimadda iyo Geerash loo samayn doono dawladda hoose oo la dhagax dhigay Hargeysa, Somaliland, April 3,2015. Ku simaha maayarka ahna ku xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa, Cabdicasiis Maxamuud Xaashi iyo Xogyaha guud ee fulinta dawladda hoose Ibraahim Axmed Raabi, ayaa shalay kulan la yeeshay iskaashatooyinka kala duwan ee caasimadda si ay uga qaybqaataan ololaha heer qaran ee dalka oo dhan lagaga dhawaaqay oo bishan April toddobadeedda dhici doonna. Iskaashatooyinkan caasimadda oo iskugu jiray Basasleyda, Bacadleyda, khudradleyda, hilibleyaasha, shirkadaha dhismayaasha iyo iska-rogooyinka ayaa ballanqaaday inay qayb bilaax ka qaadan doonaan ololahan, islamarkaana doorkoodda ka ciyaari doonaan. Agaasimaha Arrimaha Bulshadda Khadar Yuusuf Cali, ayaa sheegay in kulamadda iskaashatooyinka la leeyahay daaran yahay sidii la iskugu soo habayn lahaa ka qaybqaadashadda ololaha heer qaran ee nadaafadda, isla markaana loo soo dhejin doonno qayb waliba halka ay ku qoran tahay iyo waaxda ay la shaqayn doonto si dhamaan iskaashatooyinku uga wada qaybqaataan. Xoghayaha fulinta dawladda hoose Ibraahim Axmed Raabi ayaa isna sheegay in si agaasiman uga wada qaybqaadan doonno, isla markaana iskaashatooyinka oo dirayskooda xidhan ka qaybqaadan doono, isagoo ugu baaqay in si wada jir ah uga wada qaybqaataan ololaha, si magaaladdu u noqoto nadiif. “shirkadda wax soo saarka ee inta badan shaqaalaha iyo shaqada badan ayaa soo saarta qashin badan, qof aan shaqaynayn waxba qashin ma soo saaro, marka qashinka la raba maaha ka guryaha hor yaala oo kuwaas maalin wlaba la guraa ee waa qashinka guud oo la doonayo in laga wada faa’iidaysto, iyadoo aad ogtihiin in qashinku yahay cadowga koowaad ee bani’aadamka oo cudurka iyo wax kasta sababa”ayuu yidhi xogyaha fulinta dawladda hoose Ibraahim Raabi. Ku simaha Maayarka, ahna Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamuud xaashi ayaa sheegay in iska rogooyinkuna illaa boqol iska rogo kaga qaybqaadan doono, isla markaana la shaqayn doonaan wasaaradaha iyo shaqaalaha dawladda hoose, sidee kormeer la samayn doono, ururkii si firfircoon uga qaybqaatana abaalmarin la gudoonsiin doonno. Maayar Ku xigeenka oo iskaashatooyinka la hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“iskashatooyinka waxa looga baahan yahay in si wanaagsan uga qaybqaatan, imika waxa hortayda yaalla jadwalkii lagu shaqayn lahaa, waxaana idin qaybin doonna jadwalkii aad ku shaqayn lahaydeen iyo sida waax kasta ula shaqayn lahaydeen, waxaana soo qaadan doontaan dirayskiina, sidoo kale Iska rogooyinka waxa looga baahan yahay boqol iska rogo oo waaxyaha la shaqeeya, qashinku sidii hore maaha oo wuu yar yahay ,oo habeen iyo maalinba shirkadaha qashinka guraa waxay qaadan maalin kasta 150 Lowdh oo qashin ah, maalmaha Ciida iyo 18 May wuu ka bataa qashinku oo waxay qaadaan illaa laba boqol oo isku rogo, marka aad baanu uga shaqaynaa xaga nadaafadda oo shirkaddo gaar ah ayaanu u samaynay, dadka danyarta ah si gaaar ah ayaanu u eegna oo kama badhna qiimaynta ee waxa jira dad aan lacagta bixin oo qashinkooda intay soo qaadan goobo kale iskaga qubo waxa la gurayaana waa kuwaas, waxaan idin sheegayaa in waax kasta kormeer ku mari doonno lana qiimeyn doono cidii dadaashana abaalmarin la siin doono”. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay xildhibaan Axmed Daahir oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay shirkan iyo sida looga qaybqaadan karo ololaha nadaafadda. Sidoo kale, iskaashatooyinka magaaladda ka jira ayaa ballanqaaday inay kaalin muuqda ka qaadan doonaan, isla markaana dadaal xoogan muujin doonaan si danta caan uga shaqeeyaan. Dhinaca kale, waxa maayar ku xigeenka iyo xogyaha fulinta dawladda hoose soo dhagax dhigeen Geerash weyn oo loo samayn doonno dawladda hoose iyo meel qalabka baabuurta lagu xareyn doono. Goobtan la dhagax dhigayo ayaa u dhow goobta xoolaha lagu qallo, isla markaana noqon doonto geerashka guud ee dawladda hoose ee Hargeysa yeelan doonto. “halkan aynu maanta dhagax dhigaynaa waa hoostaddii gaadiidka ee dawladda hoose oo halkan loo soo rari doonno, waxayna noqon doonta makhsino waashmaanadu seexdan iyo goob agabka baabuurta la dhigo”ayuu yidhi maayar ku xigeenka oo ka hadlayey goobtan la dhagax dhigayey. Sidoo kale, Xoghayaha dawladda hoose Ibraahim Raabi ayaa isna sheegay inay noqon doonto goob gaadiidka dawladda hoose lagaga shaqayn doonno,isla markaana qalabkoodda la dhigo. Sidoo kale, waxa ay soo kormeereen goobaha xoolaha lagu qallo iyo sida ay tahay nadaafadooddda, waxaana halkaasi madaxda uga xog bixiyey mid ka mid ahaa shaqaalaha kawaanka xoolaha lagu qalo, waxaanu sheegay in lagu qalo maalin walba 60 illaa 70 neef oo Lo’ ah, Geelle 40 ilaa 46 neef oo geel ah, xaga Adhiga 800 illaa 1200 oo neef ah oo Adhi ah. Dhinaca kale, waxa uu maayar ku xigeenku xadhiga ka jaray Biriish biyo mareen ah oo loo sameeyey xaafaddo danyar ah oo ku yaala degmadda Gacan libaax, kuwaas oo goob biyuhu fadhiisan jireen oo dhibaato ku qabeen dadka deegaanku ay usameeyeen biyo mareen iyo Bariij ay dul maraan wakhtiga roobku da’ayo. Ku simaha duqa caasimadda ahna maayar ku xigeenka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo furan yahay biriijkaasi loo sameeyey xaafadda oo dhibaato ku qabay biyaha oo guryaha u galli jiray, isla markaana goobahan fadhiisan jiray, waxaanu ku guubaabiyey inay ilaashadaan
Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed