Maayarka Caasimadda oo magaaladda Hargeysa lagu soo dhoweeyey iyo haddalo uu ku gunay Soomaaliya iyo xisbiyadda mucaaradka ah
“golaha Guurtiddu xaq bay u leeyihiin go’aanka ay soo saareen waana gole dastuuriya, cidii dood ka qabtaana wada hadal ha soo fadhiisato,laakiin magaaladda Hargeysa cid ku hadiddi karta waxba ka dhacaya ma jirto,” Soltelko

Hargeysa, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxman Maxamuud Caydiid Solteko iyo wefti uu hogaaminayey oo safar shaqo dalka dibadiisa kaga maqnaa ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa.

Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaan u kala hadhin soo dhoweynta Maayarka Caasimadda, kuwaas  oo tubnaa madaarka Hargeysa illaa badhtamaha magaaladda, waxaana hogaamineyey xildhibaanadda golaha deegaanka, shacabka degmooyinkaga caasimadda, madax dhaqameed, dhalinyaro iyo haween.

Maayarka ayaa lug kaga soo baxay madaarka ilaa kaantaroolka koonfureed ee magaaladda si uu u gacan qaado dadweynaha u tubnaa soo dhoweynta, kuwaas oo ku dhowaaqayey erayo ay ku soo dhoweynayaa, isla markaana u taageersan yihiin dadaalkiisa wax qabad ee uu mudaddii uu joogay ka geystay caasimaddda Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko ayaa dadweynihii soo dhoweynayey kula hadlayey barxadda weyn ee wasaaradda Duulista horteedda, waxaanu uga xog waramay safarkii shaqo ee uu ku tagay dalka Sweden, kuwaas oo ay soo kala saxeexdeen hesiishyo lagu horumarinayo caasimadda Hargeysa.

Maayarka Caasimadda oo dadweynaha la hadlayey ayaa yidhi “Waxaan Mar labaad Iyo Mar sedexaadba idiinka mahadnaqayaa sida fiican ee aad ii soo dhawayseen anoo ka maqnay in dalka howlo shaqo awgeed aniga iyo shan xildhibaan oo kale . Guulo Badani way nooga soo hoy deen howlaha aanu halkaa u tagnay dibna tafaasiil faro badan waan idiinka sheegi doonaa heshiisna waanu soo galay waan markii kowaad ee geeska Afrika wadan ku yalaa uu dalalka  Yurub heshiis la soo galo, safarkayagu waxa uu ahaa u jeedkiisu laba qaybood oo kala ah in heshiisyo la soo wada galo iyo in xildhibaanadu tobabar soo qaataan iyadoo qaybta kale bixi doonto bisha Aktoobar ee sanadkan, waxa kale oo la kulmay maayaro ka mid ah kuwo reer Yurub, kuwaas oo ballamo qaadyo xaga horumarka ah noo balanqaadya”

Maayarka oo ka hadlayey u diyaar garowga 18 May waxa uu yidhi “ waxa imika foodda inagu soo haysa 18 may qof walba hadii oo Somaliland laba bacood ka qaado caasimada waa nadaafad u soo koradhay wadankeena” .

Maayar Soltelko ayaa sheegay in heshiishka ay la galeen dalka Sweden ay ka xumaadeen Somaaliya, waxaanu fariin u diray reer Soomaaliya oo uu sheegay in mar hadii la kala hadhay la is nabadgaliyo, waxanu yidhi “Qolyahan aanu walaalaha nahay ee Soomaaliya ee wadamada aanu heshiska la soo galay ka daba hadlaya waxaan leenahay adeer waan kala tagnee sheegshegeen hadhan, oo qolo waliba ha ku dadaasho waxay umadeedda u qabanayso, anago dalkayaga  cidna u daba fadhiisan mayno oo kun heshiish baanu cida doono la galaynaa”.

Sidoo kale, waxa uu maayarku sheegay in aanay magaaladda Hargeysa laga samayn Karin wax amniga waxyeelaya, isla markana xisbiga mucaaradka ugu baaqay in iyagu masuuliyadeedda qaadi doonaan wixii ka yimaad, isagoo dhanka kale dastuuri ku tilmaamay go’aankii uu golaha Guurtiddu ku dhowaaqay.

Maayarka oo ka hadlaya amniga magaaladda iyo sida aan xisbiyadda mucaaradka ah aan loogu ogolaanayn inay mudaharaad waxyeeli kara amniga magaaladda ka sameeyaan ayaa yidhi “ waxaan ka hadlayaa qodabka nabad galyad caasimada nabad galyadeeda cid khalkhal galin kartaa ma jirto, iyaga masuuliyadeedda qaadi doona xisbiyadda mucaaradka ee ku baaqaya mudaharaadyo sharci daro ah, waxa kale leeyahay  golah Guurtidu Xaq ayaa u leeyihiin in ay iyagu ku dhawaqaan mudadda ay xalka u arkaan rabshad laga samayin karaa ma jirto ninka ku baqaana isaga ayaa ka masuula wixii ka dhaca caasimada, wax ka dhici karaana ma jirto, marka waxan leeyahy golaha Guurtidda ha la taageero cidii dood ka qabtaana wada hadal ha soo fadhiisato,laakiin magaaladda Hargeysa cid ku hadiddi karta waxba ka dhacaya ma jirto,”

Gudoomiyeyaasha degmadda Hargeysa oo mid ka ahi munaasibadda ka hadlay ayaa yidhi“shacabka reer Hargeysa waxay muujiyeen sida u taageersan yihiin maayarkooda, isla markaana raali ay uga yihiin waxqabadkiisa, waana maayarkii ugu horeysay oo xildhbaanno golaha deegaanka ah tobabar uga soo helo Wadamadda Yurub, waan ku soo dhoweynaya maayar oo soo dhoweyntaasi waa mid aanay u kala hadhin degmooyinka caasimaddu ka kooban tahay”ayuu yidhi mid u hadlayey magaca degmooyinka Caasimaddu ka kooban tahay.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeyso ee xildhibaano golaha deegaanna loo soo tobabaro shaqadooda, isla markaana wadan yurub ka yimid ahi tobabar siiyo, isagoo maayarku u mahad celiyey wadanka Sweden oo noqday wadankii ugu horeeyey ee tobabar siin doono xildhibaanadda golaha Deegaanka Caasimadda, iyagoo dufcaddii labaadna bixi doonta bilaha soo socda.

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed