Dawladda hoose ee Hargeysa oo gudidda horumarinta degmooyin ku wareejiyey lacago ay kaga qaybqaadanayan mashaariicda ka socda degmooyinkaasi
Kulankan ayaa maanta waxa ka soo qaybgallay wasiirka Caasimadda, Xoghayaha dawlada hoose, xidhibaanada golaha deegaanka, guddida horumarinta degmooyinka iyo madax dhaqameedka caasimadda Hargeysa.

Hargeysa, Somaliland, August 20,2015 ()-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa  maanta guddidayada horumarinta caasimadda Hargeysa iyo degmooyinka ku wareejiyey lacago dawlada hoose kala qaybqaadanayso dhismayaal Laba biriij iyo dugsiyadda qaarkood.

Kulankan ayaa maanta waxa ka soo qaybgallay wasiirka Caasimadda, Xoghayaha dawlada hoose, xidhibaanada golaha deegaanka, guddida horumarinta degmooyinka iyo madax dhaqameedka caasimadda Hargeysa.

Ugu horeyn Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in lacag ku wareejiyaan qaar kamid ah guddiyda degmooyinka oo ay deegaankoodu ka socdo mashaariic kala duwan oo dawladda hoose iyo dadwyenaha xaafaduhu iska kaashanayaan, kuwaas oo dawlada hoose intii kaga beegnayd ugu deeqday.

Maayar Solteko oo arrimaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta waxaanu halkan ku wareejinaynaa sadex mashruuc oo ka mid ah mashaariicdii aanu wadnay oo laba yihiin biriijyo iyo dugsiga sare ee Guryo same oo ku jiray maamul daadejinta dawladdaha hoosea lagu wareejinayey ee waxbarashadda ka qabanaynay”.

Waxaanu intaas ku daray “ Bariijka sadexaad ee caasimada  oo isku xidhi doonna degmooyinka Gacan libaax iyo Axmed dhagax, kaasi oo dawladda hoose sheegtay inay qaadhaankeedda oo ah konton kun dollar ugu darto, waxaanay, waxa kale oo jira Dugsiga guryo same oo dayactir ku samaynaysay dawladda hoose oo wajigiisa hore dhamaaday kii labaadna aanu hadda lacagtiisa u dhiibino guddida dugsigaasi,  waxa iyaguna wejigii kowaad ku wareejinayn guddida horumarinta ee koodbuur, iyadoo bajadka ugu jirtay konton kun waxaanu ku wareejinaya toban kun, inta kale loo biixn doono si dhakhso ah”.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Garaad Mustafe Maxamed Cumar oo ka mid ah guddida biriijka 3aad ee xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Gacan libaax ayaa dawladda hoose u mahad celiyey kaalinta ay ka qaadatay dhismaha biriijkaasi oo baahi weyn u qabeen dadweynaha deegaanka, waxaanu yidhi “waxana gudidaasi nagu wehelinaya wasiirka diinta iyo awqaafta iyo wasiirudawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, anigoo ka wkiila ah ragaasi, waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa maayarka oo sidaas uu idin sheegay qaybtii hore igu wareejiyey 25,000 dollar oo aan anigu gacantayda kaga qaaday, maanta aanu u fadhino shan iyo toban kun oo dollar oo wejigii labaad ah,halkaasi waxa ku hadhay toban kun o dollar kontonkii kun ee noogu deeqeen maayarku, waxa kale oo aan u mahad naqaya dugsiga guryo same oo ay dib u habaynta u sameeyeen oo wejigii hore u dhiibay odyaaasha xaafada wajigii labaadna igu wareejinayo anigoo kamid ah odayaasha xaafadda ee qaybti hadhsanayd ee dugsigaasi”.

Suldaan Axmed Daahir oo mid ah guddida caasimadda gaar ahaan Koodbuur ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay “golaha deegaanku aad bay u shaqeeyaan oo waxwalba waa in laga tashada oo lagala qaybgallaa, mashaariicda ay dawlada hoose wada intan uun maaha, waxaan leeyahay cidda leh waxba may qaban waxaan leeyahay wax way qabteen, anigoo waxaan ka gudoomayaa jeegaasi oo wejigii kowaad ah”.

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed