war ka bixinta G.i.S
ka war bixin ta hawlah uu qabto G.I.S

Waa maxay G.I.S  ku?

 

Nidaamka GIS-ku waa nidaam la jaan-qaadaya Technology-yada casriga ah ee aduunku isticmaalo waxaana qoraal ahaan loo soo gaabiyey (GIS) oo u taagan;

G = Geographic.

I = Information.

S =  System.

 

Nidaamka GIS-ku wuxuu bilaabmay sanadkii 2006-ka isagoo soo maray marxalado adag, balse wuxuu si toos ah u hana qaaday sanadkii 2009-ka iyadoo lagu bilaabay Xarunta D/Hoose Computers Lagu shubay program-ka Casriga ah ee loo yaqaano )GIS – Data Base), Iyadoo degmo kastana loo sameeyey lambar u gaar ah, iyadoo nidaamkaasna ay ka shaqeeyaan dhalin yaro heer-kooda aqooneed yahay Jaamacad, isla markaana aqoon iyo waayo aragnimo u leh ku shaqeynta nidaamkan cusub ee GIS-ka;

S/no

Degmada

Lambarka La Siiiye

1.       

I/K/Buur

1

2.       

26 - June

2

3.       

G/Libaax

3

4.       

A/dhgax

4

5.       

M/Haybe

5

6.       

M/Mooge

7

7.       

A/M/Haaruun

8

 

 

 

Hadaba iyadoo nidaamkan GIS-ku marxalado kala gadisan soo maray waxaa lagu guuleystay in la sameeyo maamul daadajin, isla markaana si habsami leh uga hawl-galaan dhamaan degmooyinka caasimadda Hargeysa, sidoo kale-na faa’iidooyin badan ay ka heleen maamulka degmada, dadweynaha cashuur bixiyayaasha ah, faa’iidooyinkaas oo ay ka mid yihiin;

Faa’iidooyinka G.I.S-ka

 

Ø  Diyaarinta Summary Report Daily Ah:

warqadda summary-gu waxay kaaliyaha ka caawisaa inuu si fudud u geliyo dhamaan heads-ka kala duwan ee lagu jaro juwanada, taasi oo markii hore-na dhib badan uu kala kulmi jiray xisaab xidhista dakhliga ee maalinlaha ah.

 

Ø  Diyaarinta Warbixinta Week-laha Ah:

Nidaamkani wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dakhliga wiigaas soo xarooday, isla markaana kala saaraya dakhliga ka soo xarooday liisamada, Ardiyadaha, Jeexisaha, Mulkiyadaha, Dib U dhisyada Iyo Soo Eegisaha.

Ø  Diyaarinta Warbixinta Lix Biloodlaha Ah:

Nidaamkan casriga ah ee GIS-ku wuxuu inaga caawiyey in si dhakhsaha loo ogaado dakhliga lixda bilood soo xarooday, sidoo kale-na wuxuu inoo cadaynayaa dakhliga ka soo xarooday xaafad kasta, isla markaana degmo kasta ka shidaal qaadan karto hadba awoodooda dakhli inta uu marayo.

Ø  Diyaarinta Warbixin Sanadeedka:

Nidaamkan GIS-ku wuxuu awood buuxda u leeyahay inuu warbixin sanadeedka uu soo bandhigo dhakhliga ka soo xarooday degmo kasta, sidoo kale-na, taasi oo wakiilada GIS-ka degmooyinka joogana ay nidaamkan ugu soo diyaariyeen dakhligii ka soo xarooday sanadihii 2012-ka iyo 2013, sidoo kale-na si fudud loo ogaan karo kor u kaca dakhliga ee sanad kasta.

 

 

GIS-ka Xarunta Ka Hawl-gala:

 

Sidoo kale nidaamka GIS-ku waxaanu ku baahinay inaanu hanaan cusub u abuurno isla markaana la geliyo Program-ka dhamaan-ba cashuuraha kala duwan ee ay D/Hoose qabato, kuwaa oo kala ah;

ü  Cashuuraha Kala Wareejinta.

ü  Cashuuraha Premium-ka.

ü  Cashuuraha Daily-ga a.

ü  Cashuuraha Ka Xarooda Sayladda, Buurta Kala Jeexan, Haleeya Iyo Madaarka.

 

 

 

 

 

 

Hiigsiga Iyo Himilooyinka Xafiiska G.I.S-ka

 

Xafiiskan G.I.S-ku wuxuu ka mid yahay muraayadda D/Hoose ee Hargeisa Maadaama Uu Yahay Meesha Kaleya Ee Laga Qaadan Karo Xogta Dhabta Ah Ee La Xidhiidha Dhamaan-ba Hawlaha Kala Duwan Iyo Dakhliyada Soo Gala D/Hoose, Islamarkaana Laga Qiyaasan Karo Odoroska Miisaaniyadda D/Hoose Ee Hargeysa.

 

Hadaba Waxaa Noo Qorsheysan In Sanadkan Cusub Aanu Isku Xidhno DHamaan-ba Degmooyinka Iyo Xarunta Habka Internet-ka Si Aynu Ula Socono DHamaan-ba Hawlaha Ka Socda Degmooyinka.

 

Waxaa kale oo aanu waqti xaadirkana ku hawlanahay Diwaangalintii Guryahayaha, Liisamada,Iyo dhamaanba dhismayaasha kusoo kordhay 5 Degmo wixii Ka danbeeyay sanadii 2010.

 

 

Allaa    Mahad   leh

 

 

(C/fataax Xuseen Saleebaan).

Xidhiidhiyaha Guud Ee G.I.S-ka D/Hoose

Ee Hargeysa.

 

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates Query Failed