AGGAASIMAHA WAAXDA DAKHLI URURINTA IYO CASHUURAHA DOWLADA HOOS

AGGAASIMAHA WAAXDA DAKHLI URURINTA IYO CASHUURAHA DOWLADA HOOSE EE HARGEYSA OO SHACBIGA U SOO JEEDIYEY INAY SOO XARREEYAAN CASHUURAHA ARDIYAHA IYO DHULKA BANAAN

Cashuurtu waa qaadhaan khasab ah oo Sharcigu jiddeeyo bixinteeda,taasoo lagu dabakho kharashaadyada kala duwan ee dowladnimadu gasho amaba u isticmaasho hawl-maalmeedkeeda. Sidaa-daraadeed waxaa muhiim ah oo IIIaahay wax loogu mahadiyo ah in Dadweynaha Caasimadda Hargaysa ku dhaqani ay fahmeen in bixinta Cashuur maalmeedka, Cashuur sanadeedka, iyo Cashuuraha kale ee ku waajibay ay kaalin wayn iyo xil balaadhan iska saaraan.

Agaasimaha waaxda dakhli ururinta ee Dawladda hoose ee Hargaysa Yuusuf Sooraan waxa uu shacbiga ugu baaqay inay inta Sanadka ka hadhay ku soo bixiyaan Cashuuraha ku hadhsan amaba lagu leeyahay inay ku soo xareeyaan bishan aynu ku jirno. 
 Sidoo kale, waxaa ka hir-galay bulshada Caasimada degan in ay bixinta Cashuuraha kala duwan ee Sharcigu ku waajibiyey halka ay ku kala bixinayaan oo heer degmo iyo xarunta dowlada hoose ee Caasimadda. 
 
Labadaa qoddoba aniga oo aad uga mahadnaqaya dadwanaha sharafta leh ee hantida kala duwan ee cashuurtu ku waajibtay leh ee dibad iyo gudba ku nool, waxaan u raacin lahaa oo aan maanta fursadan kaga faa’idaysan lahaa in ay ogadaan sidoo kalena xiliga cashuurta bixinteedu waajibtay in ay wakhti leedahay, tusaale ahaan hadii aad guri, jago banana, ama meherad ganacsi aad ku leedahay caasimada, bixinteedu waxay waajib tahay in aad bixiso sanad kasta oo cusub horaantiisa ama ugu dambayn bisha lixaad ee sanad kasta, halka hantida ma guurtada dowlada hoose leedahay ee dadwaynaha caasimadu kiraysteen bixinteedu waajib tahay in ay kirada lacagteeda iskaga soo bixiyaan bil kasta shanteeda, halka cashuur maalmeedyadana bixinteedu waajib tahay subax kasta. 
 
"Waxaan aad ugu Mahad-naqayaa Cashuur bixiyeyaasha cashuurtoodii sharcigu ku waajibiyey soo bixiyey bilihii hore ee sanadkan, sidoo kale waxaan aad ugu mahadnaqayaa cashuur bixiyayaasha wakhtigan cashuurta dowlada hoose ee caasimadu ku leedahay ku bixinaaya heer degmo iyo xaruntaba" Agaasimaha Waaxda Dakhli aruurinta ee Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa.
 
Ugu dambayn dhammaan Dadwaynaha caasimada deggan ee dibad-jooga ama dalka gudihiisa jooga ee lagu leeyahay Cashuuraha kala duwan ee ay ka midka yihiin Ardiyadaha dhismaha, Ardiyadaha dhulka banaan IWM la socod-siinaynaa inay iska soo bixiyaan inta bishan November lagu jiro haddii ALLE yidhaahdo.

Mayor Message

Hargeisa City Council is committed to maximizing your access to City information and our ability to hear from you. This website is an important tool – a gateway to City services that provides exciting new opportunities for citizen interaction, information and involvement. Based on your input, the City has designed this website to make it easier than ever for you to access information. And this site is just the beginning. It provides a great base for creating additional opportunities for feedback and dialogue. This website design – and our recently introduced award-winning portal that supports it – will allow us to continue to add interactive services that will streamline your transactions and conversations with City Hall when you choose to visit us virtually, rather than in person. It’s a foundation for the future that will take shape – with more new features and Read More »»

Videos Updates
Latest News

Somali Urban Investment Preparation Project Project #: P1...

Somali Urban Investment Preparation Project Project #: P150374...

2017-07-23 11:25:47

Somali Urban Investment Preparation Project Project #: P1...

Somali Urban Investment Preparation Project Project #: P150374 ...

2017-07-23 11:23:16

Republic of Somaliland Hargeisa Municipality Somali Ur...

Republic of Somaliland Hargeisa Municipality Somali Urban Investment Pr...

2017-07-23 11:19:50

Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Md...

Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale...

2017-05-04 20:21:52

Photos Galleries
Our Vision

A district with fairly-developed infrastructure improved social services, better environment and upgraded living standard of the people. Read More »»

Hargeisa Looks Like